Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Waxaa Magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga iyo Guud ahaan Gobolka Hiiraan xilligaan kajirta Abaar daran iyo xaalad macluul oo saameeysay dadka barakacayaasha ah, taas oo keentay in Carruur farabadan ay nafaqa darro u geeriyoodaan. Qoysas kasoo barakacay degaannada kale ee Gobolka Hiiraan ayaa ku sugan Magaalada Bedweyne, waxaana mid kamid ah Xerooyinka ay kunool...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay in Xildhibaannada ka maqan fadhiyada Golahaas lala xisaabtamayo si aanay u dhicin baaqasho ka dhalata kooramka uu ku furmi karo shirkooda. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in gunno fadhi oo lacago lagu siinayo Xildhibaannada lagu soo kordhin...

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada caasimadda Garoowe. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin ayaa looga hadlay xallinta khilaafkii dib uga dhex qarxay labada mas’uul kaas oo saamayn ku yeeshay hay’adaha dowladda. Siciid Deni ayaa sida wararku sheegayaan...

Muumin Axmed Ciise waa Soomaali 40 sano jir ah, Indhoole ah, kana soo jeeda qoys sabool ah, waxaana uu leeyahay Xaas iyo dhowr caruur ah oo yar yar. Dhibanaha waxaa uu sheegay in 10 sano ka hor uu ahaa qof si caadi ah wax u arka oo qoyskiisa iyo caruurtiisa u shaqeeya, uuna rooti ku iibin jiray Suuqyada Muqdisho qaarkood. Hase ahaatee waxaa uu xusay in noloshiisa ay isbedeshay...

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta bilaabay kulamo uu la yeelanayo Xildhibaannada Golaha Shacabka, si uu codka kalsoonida u helo. Xildhibaannada uu maanta la kulmay ayaa ahaa kuwa laga soo doorto Dowlad Goboleedka Hirshabelle, wuxuuna ka dalbaday iney ansixiyaan, iyagoo si buuxda ugu caddeeyay inay codka kalsoonida siinayaan. Sida...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaare cusub. Hadda xilka ugu weyn ee gacantiisa ku haray waa guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Dad badan oo eryanaya kursigaas ayaa lasoo warinayaa inay dhooban yihiin xafiiska madaxweynaha. Siyaasiyiinta wax ka dhisatay madaxweynaha ayaa iyaguna olole u wada shaqsiyaad kala duwan oo ay rabaan in midkood...

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in xukuumadda Muuse Biixi ay ku kaliftay hogaamiyeyaasha mucaaridka inay sameystaan ciidamo hubeysan oo ilaaliya. Waxa uu sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay isku dayday inay khaarajiso hogaanka mucaaridka, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga Waddani, halka qaarkood ay xiran yihiin kadib...

 Kulankii shalay ee senatorrada golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya waxaa looga dooday dhismaha guddiyada golaha, iyadoo xubnaha golahaas oo intooda badan hadlay ay u kala qeybsameen labo garab. Senatorrada qaar ayaa ku dooday in guddiyada loo qeybsado hanaan qabiil, halka xubnaha qaarna ay ku doodeen in qof kasta lagu qoro guddiga ka shaqeynaya howlaha uu xirfadooda leeyahay...

Maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan mid ah kulamadooda caadiga ah. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta uu kulanka jiro, isla markaana Ajandaha uu yahay Dhamaystirka Akhrinta Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka. Maalintii...

Somaliland ayaa sheegtay inay ka xuntahay tallaabadii Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Tarsan uu uga baxay kulankii Safiirada uu ku casuumay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isaga oo diidaya ka qeyb galka Wakiilka Somaliland ee Kenya. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu yiri” Waxay tani si cad u muujinaysaa nacaybka iyo cadaawada...