Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ololeyaasha UK ayaa ku guul darreystay codsi ay maxkamadda sare ku dooneysay in ay dowladda kaga hor istaagto qorshe ay dad muhaajiriin ah ugu diri lahayd dalka Rwanda taasoo u gogol xaareysa in duulimaadkii ugu horreeyay ee masaafurinta ee toddobaadka soo socda. Ilaa 130 qof oo ka kala socda dalal ay ka mid yihiin Afgaanistaan,Somaaliya, Suuriya iyo Suudaan ayaa loo diri...

La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin oo markii u horeysay bixiyay wareysi gaar ah, tan iyo markii lagaga adkaaday doorashada madaxweynaha saaxiibkii Farmaajo ayaa ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya Qatar. Fahad Yaasiin oo la weydiiyay sida uu ku dambeyn doono xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Qatar ayaa sheegay in Qatar aysan shaqsi wada-shaqeyn kala dhaxeyn,...

Xisbiyada  Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa dib u dhigay banaanbax weyn oo maanta lagu waday in uu ka dhaco guud ahaan degaanada maamulka Somaliland, islamarkaana looga soo horjeeday in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Somaliland.. Gudoomiyaha xisbiga Wadani Mudane Xirsi Cali Xasan ayaa sheegay in banaanbaxyadii maanta la baajiyay ka dib markii ay ka codsaday in...

Waxaa degaanka Dalsan oo hoostaga degmada Cabudwaaq ee GobolkabGalgaduud ayaa waxaa ka billowday dilal ku saleysan Aano Qabiil oo dhexmaray Maleeshiyo Beeleed oo dhowr jeer ay dhinacyadu ku dagaalameen. Odayaasha iyo waxgaradka labada Beelood ayaa kulankooda degaanka Dalsan waxaa ay kaga arrin sadeen sidii xal looga gaari lahaa colaad Beeleedyada soo laab laabtay, isla...

Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee ku sugan Degaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa la sheegay inay ku fashiliyeen Miino ay Aaseen Al-Shabaab, isla markaana ay doonayeen inay dadka ku dhibaateeyaan. Taliyaha Ururka 47-aad Guutada-8aad Qeybta 60-aad Ciidanka xoogga dalka  LX/Le Daahir...

Madaxweynaha dalka Senegal oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika Macky Sall ayaa  ku boorriyay dalka Ukraine inuu miinooyinka ku hareeraysan ka saaro dekeddooda Odesa si ay u fududaato in dekeddaas laga soo dhoofiyo haruurka iyo sarreenka ku xanniban ee aadka loogu baahan yahay. Duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine iyo cunaqabataynta ay reer galbeedku ku soo rogeen...

Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ee uu ku weeraray taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad. Hadalkaas oo ku jiray horudhaca wareysigii ugu horreeyey ee uu bixiyey, ayuu ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan aqoon fiican u laheyn, Mahad Salaad, oo haddii uu aqoon lahaa...

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ah wiilka hoggaamiyaha guud ee xooggaga Ahlu-Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay halka ay ku dambeeyaan ciidamadii iyo saraakiishii u dagaalamay hoggaamiyeyaasha Ahlu-Sunna iyo sida uu u arko hadafka ay ku dagaalamayaan. Wuxuu sheegay in culumada Ahlu-Sunna ay ka soo jeedaan dadka deegaanka,...

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in terndhada Afiisyooni ee Magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu caleema-saarayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee la doortay 15-kii Bishii May ee sanadkaan 2022. Ammaanka Guud ee Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran inta badan waddooyinka Magaalada Muqdisho, iyada oo Magaalada la saaray bandow kasoo...

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan tiro madaafiic ah oo xalay abbaara 2:00 habeenimoku dhacay Xaafado katirsan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo geystey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Illaa toddoba madfac ayaa ku dhacay guryo ay deggan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in madaafiicda ay...