Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Waxaa Maanta garoonka Diyaaradaha Dulles International Airport ee waqooyiga gobolka Virginia ka dagay diyaarad siday qeyb ka mid ah dad shalay laga qaaday magaalada Muqdisho oo heysta dhalashada Mareykanka, Canada iyo qeybo Yurub ah. Dadkaasi oo Soomaali ah balse heysta dhalashada dalal kale ayaa Soomaaliya waxaa looga qaaday sababo la xiriira Cudurka Covid 19 oo loo joojiyay...

Duqeymo xoogan ayaa caawa ka kala dhacey degmooyin katirsan Jubooyinka iyo Deegaanka Haway ee dhaca Gobolka shabeelaha Hoose. Degmada Jamaame ee Gobolka J/Hoose ayaa lagu soo waramayaa in caawa laduqeeyey Xero ay kusugnaayeen Dagaalamayaasha Alshabaab xilli ay muxaadaro lagu baraarujinayey dagaalamayaasha ugu socotey halkaasi. saraakiil sare oo katirsan Ururka Alshabaab...

Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa xiray Amiir Faysal oo uu dhalay Boqorkii hore ee Sacuudiga Cabdullah Bin Cabdulcaziz Ala Sacuud, waxaana lagu hayaa meel aan loo ogoneyn in uu cidna xiriir la sameeyo, sida ay sheegtay hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW). HRW oo soo xiganeysa ilo-wareed ku dhow qosyka boqortooyadda ayaa sheegtay in ciidanka amaanku...

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay soo gaareen lacagihii dowladda Soomaaliya u ballanqaaday gurmadka Magaalada Beledweyne Sanad ka hor. Waxaa uu sheegay in lacagtaan looga qeyb qaadan doono sidii biyaha looga xiri lahaa Magaalada. Madaxweyne Waare ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne. Shacabka Magaalada Beledweyne ayaa maalmihii...

Xalay Magaalada muqdisho waxaa ka da’ay roob xoogan oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo burur hantiyadeed,kaas oo watay Gugax xoogan iyo dabeyel xoogan oo siweyn looga dareemay Magaalada Muqdisho. Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Roobka uu sababay in uu soo dumo mid kamid ah guryaha khadiimiga ah oo ku yaalla Ceel-Qalow oo ka tirsan Xaafada Buula...

Maxamed Cali Xuuthi oo ah Asaasihii Kooxda Xuuthiyiinta, kana tirsan Xubnaha Golaha Sare ee Siyaasadda ee Maamulka Xuutiyiinta Yemen waxa uu amar ku bixiyey in la furo Baaritaanka geerida Muwaadinka Soomaalida oo isbuucii hore ku geeriyooday Hotel ku yaalla magaalladda Sanca. Qoraal uu Mas’uulkaasi bishan 9-dii soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku muujiyey in Hay’adda...

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacsisay natijada dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus,balse laga baaray,kuwaas oo Wasaaradu sheegtay in qaarkood laga helay Cudurka. Qoraal kasoo baxay Guddiga wacyigelinta iyo xakameynta Cudurka Coronavirus u qaabilsan Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 28 qof balse Cudurka laga helay 8 Ruux oo kala...

Beeraleyda Degmada Xuddur ee gobolka Bakol ayaa marlabaad dalagooda ku baaba’ay roobab daadad watay oo nawaaxiga xuddur ku da’ay. Daadadkaan oo marwalba sanadu barwaaqo tahay aafeeya beeraha degmada xuddur gaar ahaan kuwa qudaarta lagu beero waxay ka imaadaan roobabka kuda’a  dhulka taaga ah oo ilaa 50km waqooyi ka xiga magaalada xitaa haduusan gudaha magaalada...

Guddiga gurmadka fatahaada Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa 7-dii Bishaan waxaa ay shaaciyeen in aysan weli dowladda Soomaaliya soo gaarsiin lacag $600,000 oo Dollar ah oo dowladda Jabuuti ugu deeqday ka hortaga iyo waxka qabashada Fataahadaha Beledweyne. Hayeeshee Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay cidda sida rasmiga ah ay ugu wareejisay lacagtaas,walow xalay...

Haweeneeydaan oo u dhalatay dalka Talyaaniga oo afduub loogu haystay Soomaaliya ayaa shalay ka dhooftay magaalada Muqdishu, iyadoo dib ugu laabatay dalkeeda Talyaaniga gaar ahaan Magaalada Roma. Gabadhan oo lagu magacaabo Silvia Romano ayaa shalay la sii daayey, waxaana loo soo gacan geliyey ciidamada amniga ee Soomaaliya iyo kuwo caalami ah oo iskaashanaya, sida ay sheegeen...