Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in ciidamada loo baahanyahay in ay sii joogaan gobolka Hiiraan oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagnaayeen ismariwaa ku aadan imaanshaha Madaxweynaha maamulkaasi ee Ali Guudlaawe. Kulan shalay ay yeesheen Golaha waziirada ayay oga hadleen ciidanka dhawaan la geeyey magaalada...

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay Ciidamada ay dowladda Soomaaliya maalin ka hor geysay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo hadal heyn badan dhaliyay. Madaxweyne Waare oo la hadlayay Tv-ga Universal ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Haramcad iyo Gorgor ay dhowr jeer ka qeyb galeen dagaalo uu dano gaar...

Shilka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay inta u dhaxaysa Tuulada Libaaxe iyo maqaaxida Salaama ee Gobolka Nugaal Puntland. Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari nooca xamuulka qaado ah, kaas oo siday Agab kala duwan oo uu ka keenay Magaalada Boosaaso kuna wajahnaa Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal. Goobjoogayaal...

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolkeedka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa ka hadlay ciidamada ay dowladda federaalka ka dejisay magaalada Beledweyne, kuwaasi oo ay ka dhalatay xiisad xoogan. Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in ciidamadaas ay dalbadeen ka maamul ahaan si ay ula dagaalamaan ururka Al-Shabaab, islamarkaana aysan shaqo ku laheyn arrimaha lala xiriirinayo...

Dadka ku dhaqan degaanka Qaradhi ee gobolka Galgaduud ayaa kacabanaya abaar aad u daran oo sameysay dadka iyo duunyada, iyagoo qeyla-dhaan u diray dowladda federaalka Soomaaliya maamul goboleedka Galmudug iyo hay’adaha samafalka. Ilyaas Xasan Ugaas, oo ka mid ah dadka ku dhaqan Qaradhi ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay inuusan degaanku lahayn xarumo waxbarasho iyo...

Wafdi uu hoggaaminaayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socodaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya  Cabdulkadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa Maanta gaarey Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay, iyada oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyay. wafdiga ayaa waxaana garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo kusoodhaweeyey Mas’uliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo...

Wararka laga helayo Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qaybo ka mid ah Suuqa la xiray ka dib markii kooxda Daacish ay lacago dheeraada ku soo rogtay ganacsatada. Qaar kamid ah ganacsatada ayaa sheegay, in qaybaha xiran saaka ay ugu muhiim sanyihiin qeybaha lagu iibiyo qalabka dhismaha, waxaaana maalmihii la soo dhaafay soo baxayay wararka sheegaya...

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf iyo Xubno kamid ah Guddiga ayaa waxaa ay Magaalada Muqdisho kulan kula qaateen qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka. Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in waqtigeeda lagu qabto doorashada Golaha Shacabka oo lagu kalsoonaan karo si waafaqsan war-murtiyeedkii ka soo baxay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway Marwo Anniken Huitfeldt. Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Norway, iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda,...

Ciidamo farabadan oo ka amar qaata Sarkaal lagu Magacaabo Nuur Dheere oo kasoo horjeeda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu arkay waddooyinka qaar ee Magaalada Beledweyne. Ciidamada oo qaarkood wata Gaadiidka dagaalka iyo Hubka cul culus kana kasoo horjeeda in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu tago Beledweyne ayaa lagu arkay laga soo bilaabi Xaafada Nuur...