Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin iyo taliyaha ciidanka booliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la qaatay saraakiisha ugu sareysa ciidamada ATMIS. Kulankan ayaa intii uu socday waxaa diirada lagu saaray amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale kulanka diirada lagu saaray howlgalada ka dhanka ah...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta ee loo soo magacaabay Soomaaliya, kuwaas oo kala ah; Marwo Namgya Choden, Mudane Okaniwa Ken, Miroslav Kosek iyo Mudane Abdullahi Mutlaq Al Otabi. Danjireyaasha...

Wakaalada wararka ee AFP ayaa samaysay baadhitaan qoto dheer oo todoba todobaad ah iyada oo la kaashanaysa Airwars, NGO-ga baara werarada lagu qaado dadka rayidka ah ee xaaladaha colaadeed, si ay u iftiimiso xaaladihii ay ku dhacday weeraradii 13-kii October. kuwo kale, oo ay ku jiraan laba wariye oo AFP ka tirsan, Christina Assi iyo Dylan Collins. Cadaymadeeda –...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmadaasi, waxaana kadib...

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyey masuuliyiin loo haysto musuq-maasuq. Eedaysanayaasha loo haysto musuq-maasuqa ee la horgeeyay ayaa waxay iskugu jiraan saraakiil kala tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe, una fadhiyey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde. Saraakiishan ayaa waxa hore xukuno kala duwan ugu soo riday maxkamadda gobolka...

Ciyaartoydii ku mataleysay maamulka Koonfur Galbeed koobka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa saakay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo,,kaddib markii ay fashilmeen dedaalo la doonayay in lagu celiyo. Maamulka Koonfur Galbeed iyo ciyaartoyda ayaa ka carrooday weerarkii dhagxaanta loo adeegsaday ee lagu qaaday baskii ay saarnaayeen ciyaartoyda xilli iyaga oo...

Sida xogaha ay sheegayaan ,  waxa hakad ku jira adeegyada maamulka Degmada Yashqiid ee magalada Muqdisho ka dib markii laga jaray korontadii Sida warar aan helayno ay sheegayaan maamulka degmada Yaaqshiid  oo bixin waayay qidmada korontada ayaa  sabab u noqotay in la jaro korontada isla markaana adeegyada qaar hakad ay galaan. Sarkaal ka tirsan Hay’adda NIRA oo ku...

Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in dalab cusub oo dhinaca Israaiil ka yimid kana dhashay cadaadiska & culayska xooggan ay saarayaan Ehelka Maxaabiista Yuhuudda ah ee Gacanta Xamaas ku maqan in Xukuumadda Tel Aviv ay dalbatay in dawooyinka ay u baahan yihiin lahaystayaashaas loo dhiibo dhaqdhaqaaqa Xamaas. Arrintaan ayaa la sheegay in ay diiday Xamaas maadaama wax weliba...

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha ayaa haatan ka socota Dhuusamareeb, halkaas oo ay diyaar ku yimiid mas’uuliyiin iyo boqolaal dadweyne ah. Sidoo kale ammaanka ayaa...

Dowladda Itoobiya ayaa markii u horreysay qiratay culays xoogleh oo kasoo wajahay dhanka Soomaaliya, kaas oo ka dhashay heshiiskii is-afgaradka lagu sheegay ee ay dhowaan la gashay maamulka Somaaliland. prof shiek cabdisalaan malla oo ah aqoonyahan falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegay in Soomaaliya ay guul weyn kasoo hoysay dhinaca diblomaasiyadda, ayna heshay taageero...