Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Howlgalka oo saraakiisha hoggamineysay ay sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay ayaa Ciidamada DANAB waxaa ay...

Dagaalka u dhexeeyay Israa’iil iyo Falastiin ayaa galay toddobaadkii labaad xilli xaaladda ay kasii dareyso. Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa xaley duqeymo culus ka geystay Qaza. Militeriga Israa’iil waxay sheegeen inay beegsadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Falastiin balse weriyeyaasha ayaa kusoo warramayaa in guryo, waddooyin iyo xargihii korontada...

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaa uu ka dhacay degaano hoostaga degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan , waxaana ka hadlay Maamulka Hir-Shabeelle. Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen Saddex Ruux tiro kalena ay ku...

Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Harmacad ee la keenay magaalada Jowhar dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay ayaa maanta sameeyay gadood iyagoo ka cabanaya joogitaanka caasimada Hirshabelle. Ciidamada oo xirtay waddo muhiim ah ayaa waxa ay sheegeen in ballanqaadyo horee loogu sameeyay loogaga baxay isla markaana aysan dooneyn inay sii joogaan magaalada...

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda Kenya ku leeyihiin degaan hoostaga Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi ee dalkaasi Kenya. Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal culus uu tuulada afcad oo u dhaxeysa deegaanada tarbaj iyo warguduud ee gobalka wajeer ku dhex-maray Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab,...

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta dibadbax ka dhigay Waalidii sheegay in dowladda Soomaaliya ay Carruur ay dhaleen uga qaaday dalka Ereteriya si loo askareeyo, hayeeshee ay la’yihiin muddo dhowr sano ah. Waalidiinta oo isugu soo baxay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxaa ay sheegeen in Carruurta qaarkood, iyaga oo aan ogeyn ay dowladda Soomaaliya si qarsoodi ah diyaarad...

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayey oo safar ugu maqnaa dalka Jabuuti, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay. Wafdiga Muuse Biixi ayaa waxaa Magaalada Hargeysa kusoo dhaweeyay qaar kamid ah Labada Gole ee Soomaliland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyada oo intaasi kadib la...

Nin la sheegay in uu ka tirsan yahay Ciidamada Dowladda ayaa haweeney ganacsato ahayd waxa uu Jimcihii ku dilay Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Haweeneydan oo ka mid ahayd haweenka qaadka ku iibiya degmadaasi ayaa la sheegay in muran uu soo kala dhexgalay askarigaasi, ka hor intii aanu dilin. Haweeneyda oo lagu magacaabi jiray Sahro Muxumed Cali Kulmiye (Sahro...

Wararka laga helayo wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in dil iyo dhaawac loogu geystay labo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadankaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen kooxo burcad Afrikaan ah. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay goob ganacsi oo muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ay ku lahaayeen xaafada Laanta Side B ee Tuulada Khayelitsha...

Wabiga Shabeelle ayaa waxaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay uu Go’doon galiyey magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hir-Shabeelle, sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan Maamulkaas oo ku sugan magaalada Jowhar. Wasiirka gar gaarka maareeynta iyo masiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle, Cabdi Mahad Cabdullaahi Qoorgaab, ayaa sheegay in Magaalada jowhar ay ku sugantahay...