Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Roob dabelyo xoogan watay waxaa uu ka da’ay Degmadda Sallaxley oo ka mid ah degmooyinka Gobolka ay Soomaaliland ula baxday Maroodi Jeex kaas oo sababay khasaaro hantiyadeed. Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Roobka dabeylaha watay uu khasaaro garsiiyay Xarumaha Maamulka iyo Guryo ay deganaayeen Dad Shacab ah walow uusan...

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si deg deg ah looga kaxeeyey shir jaraa’id oo uu Aqalka Cad ku qabanayey Isniintii kadib toogasho ka dhacday meel u dhow Aqalka Cad. Dhowr daqiiqo kadib markii uu kusoo laabtay qolka shirka jaraa’id ayaa Trump waxa uu yiri “Toogasho dhab ah ayaa dhacday, qof ayaana isbitalka loo qaaday.” Tom Sullivan oo ah madaxa qeybta...

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa berri taariikhduna ku beegan tahay 12/8/2020 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka. Ajendaha kulanka beri ayaa ah Akhrinta 3-aad Hindise Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed iyo Warbixinta Guddiga Dastuurka. Xildhibaananada Golaha...

Xogo dheeriya ayaa kasoo baxaya weerarkii shalay ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, oo la sheegay inuu ku baxsaday maxbuus Shabaab ahaa oo xukun ugu xirnaa xabsigaasi. Weerarkaasi ayaa waxa uu fududeeyay baxsadka maxbuus ku xirnaa xabsigaasi oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaasi oo magaciisa ay shaacisay idaacada VOA-da ee laanteeda Afka Soomaaliga. Ilo dhinaca...

Wasiirka arrimaha dibedda ee Twain Joseph Wu ayaa sheegay in uu  soo dhoweeyay wakiilka koowaad ee Somaliland u fadhiya Taiwan, Maxamed Cumar Hagi kaasoo dhawaan uu Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Af hayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada ee Taiwan, Joanne Ou, ayaa sheegay  in Somaliland ay xafiis cusub oo wakiil ah ka furi doonto Taipei bisha Ogosto ama Sebtember. Ou...

Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerarkii Isniintii ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, kaasoo ay maleegeen maxaabiistii xabsiga lagu hayay oo qaarkood ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo xukunno kala duwan lagu riday. weerarkaasi waxaa   loo adeegsaday bambaanooyin iyo bastoolado, taasoo sababtay in ay dheeraado soo afjarida weerarkaasi oo qaatay mudo saacado ah,...

Koox hubeysan ayaa xalay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ku dishay Laanta Nuur Xawaad Guddoomiye ku xigeenkii Xaafadda Xaawo Taako oo lagu magacaabo Jeyle Gaarane Cabdulle. Ciidamo katirsan Booliiska Magaalada Baladweyne oo qaaday maydka Guddoomiye ku xigeenkii Xaafadda Xaawa Taako ayaa sheegay in ay dabagal ku sameynayaan dadkii ka dambeeyay toogashadiisa. Xaafadda...

Kiisaska coronavirus-ka adduunka waxay kor dhaafeen 20 milyan sidda lagu shaaciyay Warbixintii ugu dambeysay. Jaamacada Johns Hopkins oo soo bandhigtay xogtii ugu dambeysay ee Cudurka ayaa sheegtay In kabadan 12.2 milyan ay ka bogsadeen Cudurka halka ku dhawaad ​​735,000 ay u dhinteen Cudurka Corona virus. Brazil, Mexico waxay soo wariyeen 27,000 kiis oo cusub oo...

 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay saadaalisay muddada ay qaadan karto soo saarista shidaalka dalka ee badda, taasi oo ay ku sheegtay lix ilaa toddoba sanno. Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka ahna madaxa fulinta, Ibraahim Cali Xuseen ayaa sheegay in qorshe ay u dajiyeen soo saarista shidaalka dalka uu wareegiisi koowaad uu bilowday 4-tii bishan August. Ibraahim...

madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo inta uusan soo magacaabin Ra’iisul wasaare cusub waxa uu qaadayaa tallaabooyin dhowr ah, oo la rumeysan yahay inay hortaagan yihiin magacaabista. Xil ka xayuubintii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre kadib xukuumadda xil-gaarsiintu waxay qaaday dhowr tallaabo oo sharci darro lagu tilmaamay, kuwaas oo madaxweynaha...