Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dhawaan dib u fureyso duulimaadyada Caalamiga ah oo markii hore loo joojiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay dalkaas. Wasiirka Gaadiidka dalka Maxamed Cabdullaahi Salaad  ayaa sheegay in Saddexda bisha soo socoto dib loo furi doono duulimaadyadda Caalamiga ah. Wasiirka waxaa uu hadalkiisa...

Dad gaaraya toban kun oo Xujey muslimiin ah ayaa maanta gudanaya mid Kamid ah rugniyada ugu muhiimsan acmaasha Xajga oo ah istaagga Buurta Carafo, Xujeyda sanadkaan ayaa ah kuwo aad u yar,iyada oo la xakameynayo Faa-fida Cudurka Covid19 oo saameyn xoogan ku yeesha guud ahan Caalamaka. Xujeyda ayaa lagu wadaa in marka ay dhacdo qoraxda ay u dhaqaaqaan dhanka Musdalifa,...

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Wariye Cabdi Casiis Axmed Gurbiye oo ah Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada muqdisho, kaas oo Maanta markii Afaraad la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir. Maxkamadda ayaa Wariyaha waxaa ay ku riday Xukun lix bilood oo xariga ah, iyada oo sheegtay in lagu helay qodobka 368 ee xeerka ciqaabta, oo...

Taliska Ciidamada Booliska qeybta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay Maanta Xabsiga dhigeen laba Askari oo loo heysto inay rasaaseeyeen haween u badan Ganacsato oo banaanbax ka dhigayay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal. Askartaan ayaa waxaa la sheegay in xilli shalay Ganacsatada yar yar xilli ay banaanbax ka dhigayeen Barxada Magaalada Garoowe ay rasaaseeyeen,waxaana...

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa la filaya inay go’aankii ugu dambeeyay kasoo saarto Kiiska Wariye Cabdi Casiir Axmed Gurbiyo oo ah Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho. 23-kii Bishaan ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir ay soo geba-gabeysay dhageysiga dacwadda Wariye Gurbiyo,waxaana Daahir Carab oo kamid ah qareenada u doodayay...

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo ka hadlayey xaaladda Puntland ayaa si adag uga hadlay arrimaha ammaanka ee deegaanada maamulkaasi. Siciid ayaa amray ciidamada ammaanka inay toogtaan cidkasta oo hubeysan oo qatar ku ah ammaanka guud ee Puntland, iyada oo aan la horgeyn wax maxkamad ah. “Waxa aan ballanqaadeynaa ciddii...

Acmaasha Xajka ee sanadlaha ah ee caadiyan ay gutaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida ayaa waxa ay bilaabanayaan maanta oo Arbaca ah, hasayeeshee waxaa aad loo soo koobay tirada dadka ka qeybqaadanaya fayraska korona awadii. Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay mamnuucday dadkii caalamka ka iman lahaa ee tegi lahaa magaalada barakaysan ee Makkah al-Mukaramah, arrintaas oo...

Golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Koofu Galbeed Soomaaliya oo Maanta u qabsoomay kalfadhigii 1-aad kulankiisa 10-aad Akhrinta kuwaad Marsiiyey Wax kabedelka Xeer hoosadka Barlamanka Koonfur Galbeed. Kulan maanta waxaa soo xaadireen ilaa iyo 62 xildhibaan waxaa dhammaan loo sharaxay qodobadda wax ka bedelka lagu sameeyay iyo qodobada ka haray xeer hoosaadka oo loo bahanayhay...

Xaafadda Howlwadaag Degmada Baladweyne Gobolka Hiiraan waxaa fatahaad ku sameeyay Wabiga Shabeelle, qoysaskii dhawaan dib ugu laabtay Magaalada ayaa bilaabay in ay barakac sameeyaan. Walwalka waxa uu gaaray xaafadaha kale Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii uu buux-dhaafiyay Biyaha Wabiya oo ay ku hooreen xareedka roobka saacadihii lasoo dhaafay...

Dowladda Itoobiya ayaa dhiggeeda dalka Masar waxaa ay uga digtay in ay saldhig millateri ka samaysato deegaannada Somaliland, kaas oo Itoobiya ay sheegtay in uu qatar ku keeni kara amniga gobolka Bariga Afrika. Afhayeenka Wasaraadda Arrimaha Dibadda Itoobiya Ambassador Dina Mufti ayaa u sheegay The Nation: in Masar ay tahay mid madaxbanaan oo xaq sharci ah u leh inay xiriir...