Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

weerar loo adeegsaday madaafiic oo xalay saq dhexe lagu qaaday saldhiga ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Weerarka ayaa lala beegsaday xero ciidamadaasi ay ku leeyihiin xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi. Ugu yaraan illaa lix hoobiye ayaa lagu soo warramayaa inay lagu garaacay saldhigga AMISOM, balse lama...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dib u heshiisinta gobeleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abukar Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Wasiirka,Amniga’xildhibaano, taliyaha ciidamada qeybta 60-aad ee xogga dalka ayaa degmada Walanweyn waxaa ay ka bilaabeen kulamo looga hadlayo Colaada ka taagan degmadaas. Xubnaha wafdiga ayaa kulan kula qaatay Degmada Walaweyn...

Amb, Daahir Maxamuud Geelle wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfafainta Soomalaiya ahna musharax Madaxweyne ayaa soo dhaweeyay tallaabada Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen 13 Xubnood ee Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare. Mudane Geelle ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in tallaabadaas ay tahay mid daweyneysa dadka ku nool Magaalada Muqdisho...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu safar ku tago Magaalada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud oo kamid ah goobaha ugu amniga wanaagsan degaannada Galmudug. Magaalada Cabudwaaq ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa laga dareemayay u diyaar garoowga soo haweynta wafdiga Madaxweyne Qoor qoor,...

Qaar kamid ah Ciidamada Itoobiya ee ka tirsanaa Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dib ugu laabtay dalkooda,iyada oo lagu soo dhaweeyay Xarunta degmada Doolow-Cade ee Magaalada Doolow ee Gobalka liibaan ee deegaanka Soomaalida. Ciidamadaan oo ka tirsanaa guutada Qilfat ayaa waxaa ay ka howlgelayeen nawaaxiga Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay,...

Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa soo jeedisay labo qaab oo ay sheegtay in ay doonayaan in ay u dhacdo doorashada Soomaaliya, labaddaasi qaab ayaa keenaya dhammaan dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya. Nooca koowaad ayey sheegtay in loo baahan yahay 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha Julaayo 2020 kuna eg Agoosto 2021. “Doorashada Soomaaliya...

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 49 Juun 27, 2020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Madaxweynaha  Puntland Markuu arkay: ​Dastuurka ​Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay:​ Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Mudug Markuu arkay:​Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo. Wuxuu...

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey ayaa Golaha Shacabka ka hor cadeysay in hirgalinta doorashada qof iyo codka ah aysan ku dhici karin xilligii loogu talagalay. Waxa ay sheegtay in loo baahan yahay 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha Julaayo 2020 kuna eg Agoosto 2021. “Doorashada Soomaaliya ma qabsoomayso waqtigii loogu talogalay,...

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay in gobolka banaadir matalaad laga siiyo Aqalka Sare. 142 Xildhibaan ayaa u codeeyay, 4 ayaa diiday. Gobolka Banaadir ayaa Aqalka Sare ku yeelan doona 13 xubnood. ...

Booliska caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegay burcad hubeysan iyo booliska rasaas ay isweydaarsadeen inuu hal qof ku dhintay hal qofna uu ku dhaawacmay. Boolisku waxay sheegeen burcad hubeysan oo ka koobnaa siddeed xubnood iney weerareen isla-markaana ay dhac u geysteen guri ay degganaayeen muwaaddiniin u dhashay dalka Shiinaha. Guriga...