Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo muddo sanado ah ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada puntland iyo kuwa Soomaaliland. Dadka deegaanka Tukaraq ayaa Warbaahinta waxaa ay u sheegeen in Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliland oo...

Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Isgoyska Siinaay qeybta degmada Warta-nabada ayaa la sheegay in saakay uu dil u geystay Wiil dhalinyaro ahaa. Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Abuukar Tuuryare ayaa la sheegay in subaxdii uu kasoo baxay Hoygiisa,isla markaana uu sagootinayay qof Eehelkiisa ah oo baxayay,hayeeshee askri uu dilay. Warar...

Suudaan ayaa u yeeratay wakiilkeedii Itoobiya iyaga oo ka muddaharaadsan waxa ay ku sheegeen faragelinta soohdimaha ay leeyihiin oo ay soo galeen maleeshiyaad Itoobiyaan ah. Waxaana labada dal u socday wadahadallo ku saabsan xiisadda ka dhex taagan dhanka kale ee biyo xidheenka webiga Niilka, kolkaas oo Itoobbiya sheegtay inay dhamaystirkiisii ku dhawdahay. Wasaaradda...

Qarax miino oo sababay dhimasho badan ayaa ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa uu haleelay gaari dad shacab ah ay saarnaayeen. Sida wararku sheegayaan gaarigan oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Hoomey ayaa ka yimid dhanka degmada afgooye, waxaana uu qarax ku qabsadan agagaarka Isbitaalka Xaawo Cabdi. Wararka hordhaca ee ka soo...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii lagu dilay 8 Dhalinyarada dhaqaatiirta ahaa ee lagu dilay deegaanka Gololeey ee degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Waare oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in uu aad uga xun yahay dilkaas,hayeeshee uusan si rasmi ah uusan...

Wararka aan ka heleyno dalka India ayaa sheegaya in Soomaalida ku nool dalkaas cabsi soo food saartay ka did markii dhowr qof oo Soomaali laga heley xanuunka COVID-19 isla markaana tiro kale la karantiiley. Dadka qaar ayaa sheegayaan in aysan heli Karin dhaqaalihii ku bixin lahaayeen caafimaadkooda maadaama isbitaalada gaarka loo leeyahay lacag yihiin. Bishaaro Cabdirashiid,...

Aqoonyahan u dhashay dalka Sacuudiga ayaa sheegay in laga yaabo in qoyska suxufigii la dilay ee Jamal Khashoggi ay u cafiyeen kuwii dilka geystay “cadaadis iyo cagajugleyn” uga yimid xukuumadda Riyadh darteed. Abdullah Alaoudh, oo ka tirsan Jaamacadda Georgetown, ayaa maqaal uu ku qoray Washington Post waxaa uu ku sheegay in qoyska Jamaal Khashoggi oo sheegay in...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta xukun dil toogahs ah waxaa ay ku fulisay askari horay u dilay Taliyihii Ilalaada Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Marxuum Xasan Shire Ammaan. Askariga dilka toogasho lagu fuliyay oo lagu Magacaabo Axmed Aadan Maxamed Gaagaale ayaa 7 bishii December Sanadkii 2015kii waxaa uu diley Taliyihii Ilalaada...

Wararka laga helayo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanka Gololeey oo kamid ah deegaannada hoostaga degmadaasi la soo dhigay meydadka 8 Ruux oo dhalinyaro ahaa. Dhalinyaradaan oo la dilay ayaa ahaa Shaqaalaha Xarun MCH oo ku taalla deegaanka Gololeey,isla markaana shalay rag hubeysan ay deegaankaas ka afduubteen,isla markaana...

Duhurnimadii Maanta ayaa dagaal sababay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac una dhaxeeyay labada maleeshiyo beeleed waxaa uu ka dhacay deegaanka Ceelaha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho. Maleeshiyaadka dagaalamayay ayaa isku heystay dhul ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha,waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka. Guddoomiyaha Gobolka...