Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ayaan daro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in gabar Soomaaliyeed oo u tartamaysa hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka magaca Golaha Shacabka lagu garba duubo, hankeediina lagu wiiqo. Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay qoraal uu dhawaan soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo barqanimadii maanta ka dhacay tuulada Caag sibiri oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan. ⓘ Dagaalka oo ahaa mid u dhaxeeyay ciidamada dadka deegaanka iyo xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa yimid kadib markii kooxda shabaab ay weerar ku qaaday fariisin ciidanka deegaanka ku...

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta la horgeeyo Generaal Sheegow Axmed Cali oo weli u xiran dowladda Soomaaliya, kaas oo loo haysto kiis xasaasi ah. Wararka ayaa sheegaya in maanta maxkamaddu ay guda geli doonto dhageysiga dacwadda loo haysto sarkaalkan oo dhowr bilood u xiran dowladda federaalka Soomaaliya. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay...

Warbixin ay si wadajir ah u soo diyaariyeen labo machad oo Caalami ah ayaa lagu soo bandhigay qiimeyn lagu sameeyay heerarka horumarka iyo nolosha haweenka ee kunoo 177 waddan. Machadka The George Washington Institute iyo Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee The Oslo Peace Research Institute waxa ay warbixintooda oo hal-ku-dheg looga dhigay:The 2023 Women, Peace and Security...

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Feysal Caraale Afrax ayaa kormeer ay ugu kuur-galayeen Xaalada Amni ee Caasimadda Muqdisho ku tagay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid. Kormeerkaan oo uu qeyb ka ahaa Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Maxamed iyo Saraakiisha...

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, haweeneyda lagu magacaabo Catriona Laing, ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya, in Puntland lagusoo celiyo madasha golaha wadatashiga qaran. ⓘ Catriona Laing, waxay sheegtay in lagu jiro marxalad xasaasi ah oo u baahan in si wadajir ah heshiis looga gaaro arrimaha masiiriga ah oo doorashooyinku yihiin...

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah kula qaatay magaalada Brussels ee dalka Biljamka madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Charles Michel. ⓘ Labada madaxweyne ayaa kulankooda kaga wadahadlay dagaalka ka dhanka ah ciribtirka kooxda Al-shabaab, iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi socodka...

Maxkamadda Ciidama Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasha ah ku xukuntay Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey oo lagu soo eedeeyay in uu dil kas u geystay Saaxibkiis marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir. Marmuumka iyo Askarigaan ayaa waxa ay kawada tirsanaayeen Ururka 22aad guutada 23-aad ee Gungaar, iyada oo falkaan uu ka dhacay aargada...

Iyadoo ka hadleysay Shir jaraa’id oo ay ku qabatay Muqdisho oo lagu xusayay maalinta Qaramada Midoobay, ayey Ergayga Gaarka ah ee QM Catriona Laing, ku baaqday in horumar laga sameeyo geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya, iyadoo tiri “Dastuurku wuxuu qeexi doonaa doorarka.” Waxay kaloo xustay inay ka go’an tahay xaqiijinta ka qaybgalka haweenka...

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa sheegay in dad ay doonayaan inay la fashiliyaan dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee nabadaynta Soomaaliya. ⓘ Guddoomiyaha ayaa sheegay in dad ay ku hawlanyihiin in la fashiliyo dagaalka uu madaxweynuhu kula jiro Al Shabaab, lakiin uu isaga laftiisu isfashilinayo. “Xasan Sheekh intaasoo jeer ayaan idhi...