Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ka hadlay xaaladda El-Nino ee ‘daadadka laga cabsida qabo in ay ka dhashaan Roobka Dayrta’ ayaa digniin u diray Barakacayaasha caasimadda ku sugan & kuwa duleedka ku nool. Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa Dadkaan ugu baaqay in ay feejignaan sameeyaan si ay uga fogaadaan...

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa xalay magacaabay denjirayaal dhowr ah oo wakiillo uga noqon doona dalkiisa qaar kamid ah waddamada caalamka, waxa uuna bedelay denjirayaal horey u magacawday dowladii ka horeesay. Safiirrada madaxweyne Ruto magacaabay waxaa ku jira safiirka cusub ee u fadhin doona magaalada Muqdisho Kiringo Kubai,safiirkan cusub ayaana ah xildhibaan...

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka, ka dib kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ay maanta yeesheen. Shuruucdan oo ay soo kala gudbiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada; iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa...

Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle Work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga uga guddoontay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa. Munaasabad hab-maamuuskeedu sarreeyo oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada Ethiopia ee Addis Ababa  ayaa lagu qaabilay Danjire Warfaa iyo qaar kamid ah Diplomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya...

Roobab ka da’ay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa sababay in daadad ay ku dhuftaan qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo, kuwaas oo galaaftay nolosha hal qof halka nolol iyo geeri lagu la’yahay tiro kale. Dhacdadaan ayaa daba socota digniin dhawaan ka soo baxday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya, iyada oo ku boorisay...

Olole loo adeegsanayo sirdoon macmal ah oo lagu doonayo in lagu matalo ama la isaga dhigo Cumar Xasan Al-Bashiir, hoggaamiyihii hore ee Suudaan, ayaa boqollaal kun oo ah aragtiyo kala duwan ka helay barta TikTok, taas oo jahawareer dhanka internetka ah ku soo kordhisay waddankan ay burburiyeen dagaallada sokeeye. Koonto qarsoodi ah ayaa baahisay waxa ay ku sheegtay ”...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ee ku sugan degamada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad eedeysaneyaal looheysto dhaca dad musaafur ah. Fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa ka soo hormuuqday illaa shan ruux oo loo lagu eedeeyey in ay dhac u geysteen dadka musaafur ah, kuwaas oo u socday Magaalada Gaalgacyo ee gobolka...

Dhiqle ama Kutaan aad u fara badan ayaa ka kacay magaalada Paris iyo magaalooyinka kale ee Faransiiska, kaasoo dad badan cabsi ku beeray, dhaliyeyna su’aalo la xiriira caafimaadka iyo bedqabka inta lagu guda jiro cayaaraha olombikada ee sannadka dambe. Arrintan ayaa si weyn waxaa u hadal hayey saxaafadda Faransiiska iyo tan caalamka. Qayb ahaan waa dhab, qayb ahaanna...

Hawlgal Qorshaysan oo ay si Wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Xoogga dalka iyo Ciidamada deegaanka ee Koofurta Mudug ayaa ka socda hawdka Shabeeloow ee Koofurta gobolkaas. War goordhaweed ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawgalkaan uu ahaa mid ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo lagu sii sheegay in weerar jiho kasta ah lagu qaaday. Sidoo kale...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac maanta Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG Ah ee Maamulka Koonfur Galbeed waxa uu ka daahfuray Shirka Madasha iskuwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA. Shirkaan waxaa ka qeybgalay, Guddoomiyaha Hay’adda...