Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Magaalada Gaza ee Dalka Falastiin oo duqeyn xooggan ay ku garaacayaan Ciidanka Yuhuudda isla markaana ay ku dhinteen kumaan ruux oo carruur, Haween & Dad da’ ah u badan waxaa ka billowday in Carruurta jirkooda qaybo badan oo kamid ah lagu qoro magacyadooda si loo helo haddii duqeynta haleesho. Qoysas badan ayaa carruurtooda magacyadooda ku qoray jirkooda qaybo kala...

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Beergidiid ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. ⓘ Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid dhexmaray ciidamo ka tirsan Nabadsugida gobolka Hiiraan iyo ciidamo maleeshiyaad ah oo qaab qabiil u abaabulnaa oo ka careysnaa...

Ciidanka Booliiska Puntland ee ka howlgalla magaalada Gaalkacyo, ayaa waxay 75 qof u xireen kiis kufsi iyo dil ah oo loo geystay wiil 11 jir ah. ⓘ Dadka la xiray waxaa ku jira kuwo aad loogu tuhmayo inay ku lug leeyihiin falkan, sida uu sheegay taliyaha saldhigga Galbeed ee magaalada Gaalkacyo. Labo xiddigle Samatar Cabdulahi Awkax, ayaa sheegay, kiiskaan inuu...

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow oo aay wehliyaan Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Mudane Cumar Cismaan Calasoow masuuliyiin ka’tirsan maamulka Gobalka iyo xubno ka’tirsan wasaarada Gargaarka dowladda Hirshabelle,  oo ka duulayo xaqiijinta Iyo dardargelinta ka jawaabida baahiya Aay qabaan bulshada aay sameeyen daadkii Ku dhuftay...

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 260-aad ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano hoostaga degmada Waajid ee gobolka Bakool. ⓘ Ciidamada ayaa howlgalka xoogiisa ka fuliyay deegaanka Eel boon oo qiyaas ahaan 40 KM dhanka Waqooyi Galbeed kaga beegan magaalada Waajid, halkaas oo mudooyinkii dambe ku sugnayeen xubno...

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Shirka Qaran ee u dhaxeeya Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga arrinsadaan xaaladda Dalka, Iskaashiga dhexdooda iyo xoojinta Dowlad-Dhiska. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Axmed Macalin Fiqi oo daah-furay shirkaan Qaran ayaa ka sheekeeyay doorka...

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo ka kala tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. ⓘ Labadaan askari ee dilka toogashada ah lagu fuliyay saakay ayaa lagu kala magacaabi jiray Geedoow Maxamed Fidle oo loo yaqiinay Abuuroow iyo Ismaaciil Cabdullaahi...

Maxkamad ku taalla magaalada Baqdaad ayaa Axaddii iyada oo maqan toddoba sano oo xarig ah ku xukuntay gabadha dibad-jooga ah ee uu dhalay kaligii-taliyihii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen, sababo la xiriira inay “buun-buunisay” xisbiga Bacath ee aabaheed. Xisbiga ayaa la kala diray oo la mamnuucay kadib markii Sadaam xukunka looga tuuray 2003-dii duullaankii uu Maraykanku...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay mashruuca halka doollar ee dalkaaga ku dhiso uu yahay barnaamij lagu taakulaynayo Ciidamada Qalabka sida ee Furimaha Dagaalka ku sugan. Yuusuf Madaale ayaa sheegay in ka Maamul Gobol ahaan uu u taagan yahay sidii loo dhaqaan lahaa barnaamijkaan dhaqaalah loogu uruurinayo...

Isimada Puntland oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, ayaa xalay shir wadatashi ah uga furmay magaalada Garowe, iyagoo doonaya inay xal u raadiyaan khilaafka cakiran ee arrimaha doorashooyinka Puntland. ⓘ Kooxaha mucaaradka ayaa horey ugu baaqay inay isimadu soo fara galiyaan xaaladda siyaasadeed ee Puntland, iyagoo ka walaacsan damaca siyaasadeed ee madaxweyne...