CCW oo kusoo wajahan Muqdisho una digay dowladda dhexe

by admin | Monday, Dec 10, 2018 | 737 views

Siyaasadda Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa saacaddaha soo socda kusoo wajahan Magaalada Muqdisho, waxaana uu kasoo ambabixi doonaa Magaalada Nairobi oo uu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Waxaa uu si weyn uga soo horjeedda Siyaasadda ay dalka ku maamulaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana muddo dhowr jeer ah uu jeediyay eedeymo kala duwan.

Xilli soo dhaweyntiisa ay ka socoto Muqdisho ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame  dowladda dhexe ee Soomaaliya uu kaga digay in ay carqaladeyso soo dhaweyntiisa,maadaama uu sheegay in ay jiraan Banaanbaxyo waa weyn oo lagu soo dhaweynaayo.

Waxaa uu tilmaamay in dowladda dhexe ee Soomaaliga laga doonaayo in ay ixtiraamto dimoqraadiyadda oo ay xisbiyadda u ogolaato soo dhaweyntiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa horay Hay’addaha Ammaanka weerar ay ku qaadeen gurigiisa ay ku dileen 5 xubnood oo ka mid ahaa Ilaaladiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response