CIA:”Amarka lagu dilay Wariye Kashoggi waxaa bixiyay Amir Maxamed Bin Salmaan

by admin | Saturday, Nov 17, 2018 | 814 views

Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Sirdoonka arrimaha dibadda ee CIA ayaa soo afjartay baaritaan ay ku baadigoobayeen cidii amartay dilkii wariyihii dhaliili jiray Boqortooyada Sacuudiga Jamal Kashogi oo lagu dhex dilay gudaha Qunsiliyada Sacuudiga uu ku leeyahay Dalka Turkiga.

CIA ayaa waxa ay si qeyxan u sheegeen in Amir Maxamed Bin Salmaan uu si toos ah uu u bixiyay amarka lagu qaarijiyay wariye Jamal, hadalkaasi oo noqonayaao mid kasoo horjeeda sheegashada Dowladda Sacuudiga ay sheegatay in Amiirka iyo gebi ahaan Dowladda Boqortooyada Sacuudiga uusan wax lug ah aysan ku laheyn dilka Wariyaha.

Warbixinta baaritaanka ay sameeyeen Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Sacuudiga ay dhowr mar oo hore ay cadaadis ku saartay Jamal Kashogi in uu dalkaasi Sacuudiga uu dib ugu laabto ka hor intaan la qaarijin balse uu ka dhaga adeegay.

Saraakiil u hadlay CIA ayaa sheegay in natiijada baaritaankooda ay u gudbin doonaan Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkaasi si tilaabada ku habooon ay kaga qaadaan dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Like it? Share it!

Leave A Response