Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ciidamada Abiy Ahmed oo kusii siqaya caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle

by admin | Wednesday, Nov 18, 2020 | 375 views

Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay kusii siqayaan caasimadda gobolka Tigray, kadib markii laga gudbay waqti laba toddobaad ah oo ay u qabatay ciidamada TPLF inay isku soo dhiibaan.

“Ficilka ugu dambeeya ee fulinta sharciga waxaa la fulin doonaa maalmaha soo socda,” waxaa sidaas yiri ra’iisul wasaare Abiy Ahmed

Guddiga Abiy u xil saaray dagaalka Tigray ayaa dhankoodana ku eedeeyey Tigray inay burburiyeen buundooyin isku xira magaalada caasimadda ah ee Mekelle iyo qeybaha kale ee dalka, si ay u joojiyan ciidamada federaalka ee kusoo siqaya.

“Fallaagada TPLF waxaa dhowaan lagula xisaabtami doonaa burburinta kaabayaasha iyo dambiyada ay ku kacayaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war oo kasoo baxay TPLF oo la xiriira sheegashada dowladda.

Ciidamad federaalka ayaa sidoo kale sheegtay inay “xoreeyeen” deegaanada Raya, Chercher, Gugufto iyo Mehoni oo ku yaalla qeybaha bari ee gobolka Tigray, iyo deegaanada Shire oo ku yaalla dhinaca galbeed.

Ciidamada federaalka ayaa sidoo sheegtay inay burburiyeen saldhigyo militari xilli ay kusii socdeen Mekelle.

“Ciidamada fallaagada waxay hadda ku jiraan dib u gurasho, waxaana ku siqaya kuwa federaalka si cadaaladda loo mariyo,” ayey tiri dowladda.

Hoggaamiyayaasha Tigrayga ayaa ku eedeeyey ciidamada federaalka inay burburiyeen biyo xireen iyo warshad sonkor, ayaga oo si “arxan darro ah” u weeraraya shacabka shanta milyan ah ee Tigray-ga.

Dowladda waa ay beenisay inay beegsatay shacab.

Like it? Share it!

Leave A Response