Ciidamada amaanka oo xabsiga dhigay Askar laba mushaar qaadaneysay.

by admin | Friday, Nov 16, 2018 | 767 views

Taliyaha ciidanka booliska Somaliyed General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa wuxuu sheegay inay xabsiga dhigeen Shan askari oo magacyo iyo Darajooyin kala duwan mushaar uga qaadan jiray ciidanka booliska iyo kuwa xoogga dalka.

Wuxuu sheegay soo qabashada raggan inay ka dambeysay kadib baaritaan muddo dheer lagu hayay.

Taliyaha booliska ayaa sheegay in askartan la horgeyn doono sharciga, islamarkaana lagu qaadi doono talaabo walba oo sharciga uu ku ciqaabo.

Sidoo kale General Bashiir ayaa wuxuu sheegay inay baaris ku sameyn doonaa shaqaalaha dowladda ee iyaguna ku kaca falalka nuucaan oo kale ah.

“Waxaan gacanta ku dhignay Shan askari oo laba mushaar ka qaadan jiray ciidamada booliska iyo kuwa xoogga dalka, waxaan horgeyn doonaa sharciga, sidoo kale shaqaalaha dowladda ee falalka nuucaan oo kalw ku kaca ayaan baarid ku sameyn doonaa”. ayuu yiri taliyaha booliska.

Talaabadani ayaa waxa ay soo dadejineysaa in gacanta lagu soo dhigo ciidan badan oo meelo kala duwan ka diiwaangashan, kuwaasi oo damacooda uu yahay inay laba mushaar qaataan.

Like it? Share it!

Leave A Response