Ciidamada Ammaanka DFS oo Muqdisho ka billaabay howlgal loogu magac daray (Qof & Guri).

by admin | Wednesday, Jan 25, 2023 | 327 views

Ciidamada Booliiska & Nabadsugidda Dowladda Federaalka ayaa Magaalada Muqdisho ka billaabay howlgallo lagu sugayo amniga, lagula dagaalamayo walxaha maanka-dooriya & raadinta hubka sharci darrada ah.

Howlgalkaan ayaa xooggiisa diiradda lagu saarayaa degmooyinka loogu yeero ‘Bartamaha’ ee kala ah: Xamarweyne, Warta nabadda, Shangaani, Cabdicasis & Boondheere, waxaana loogu magac daray (Qof & Guri).

Guddoomiyaasha shantaan degmo oo wadajir Warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in Taliyeyaasha Saldhigyada Booliiska Xamarweyne, Warta Nabadda, Shangaani, Cabdicasiis & Boondheere ay iska kaashanayaan howlgalka iyaga oo garab ka helaya saraakiisha NISA.

Goobo kala duwan oo xaafadaha Degmooyinkaan ah ayaa loo qorsheeyay in la isugu geeyo Dadka lagu soo qabto howlgallada si baaris kaddib loosii daayo dadka aanay fal dambiyeed lagu helin halka kuwa laga shakiyo ama lagu caddeeyo kiisaska amniga liddiga ku ah loo gudbinayo maxkamad waa sida ay hadalka u dhigeen Guddoomiyaasha shanta Degmo.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka faray in ay xoojiyaan sugidda amniga Caasimadda maadaama ‘AS’ laga qabsaday deegaanno katirsan Gobollada Dalka si looga hortago weeraro ay ka geysan karaan.

Like it? Share it!

Leave A Response