Ciidamada ammaanka Laascaanood oo dad u xiray dil loo geystay Garsoore Maxkamadeed.

by admin | Wednesday, Nov 18, 2020 | 375 views

Ciidamada ammaanka Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sameeyay baaris ay ku qabteen shaqsiyaad ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen dil xalay fiidkii loo geystay sarkaal katirsan maxkamadda degmadaas.

Hay’adaha ammaanka ayaa baaraya shaqsiyaadka ay usoo qabteen dilka loo geystay garsooraha maxkamadeed ee ka shaqeynayay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga.

Garsooraha la dilay waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Salaad (Wadaad yare), waxaana la dilay xili uu kusii socday hoygiisa sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa iyo mas’uuliyiinta ammaanka Degmada oo war hordhac ah ka soosaaray.

Magaalada Laascaanood waxaa ku kordhay beegsiga xubnaah garsoorka, 2-dii Maarso 2020 waxaa qarax loo adeegsaday miinada nuuca dhajiska ah lagu dilay guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada ammaanka ayaa inta badan howlgalo sameeya marka dilalka & qaraxyada ay dhacaan, waxa ay xiraan shaqsiyaad ay ku tuhmayaan, inkasta oo aysan soo bandhigin natiijada kasoo baxda baaristooda.

Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool oo Qarax loogu xiray Gaarigiisa ku geeriyooday.

Like it? Share it!

Leave A Response