Ciidamada Amniga oo Muqdisho ku toogtay nin hubeysan

by admin | Thursday, Oct 18, 2018 | 877 views

Ciidamada Amniga dowladda Federaalka ayaa saaka ku toogtay Xaafada Black Sea ee degmada Hodan nin ku hubeysnaa qoriga AK47, kaddib howlgal ay sameeyeen.

Ninka hubeysan ayaa la sheegay inuu dhac u geysanayay dadka shacabka, waxaana xilliga la tooganayay uu soo dhacay Taleefano.

Wararka ayaa sheegaya in ka hor inta aan la toogan ninkan hubeysan uu la dagaalamay Ciidamada amniga, waxaana dhex martay is rasaaseyn kooban.

Ninka la dilay ayaa ku labisnaa dareyska ciidamada loo yaqaano 14 October, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inuu falal amni dari ka waday Xaafadaha Black Sea.

Dadka deegaanka ayaa soo dhoweeyay toogashada ninkan ku labisnaa dareyska ciidamada oo muddooyinkii u dambeeyay dhibaato ku hayay dadka shacabka ah.

Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay laga soo sheegayay falal amni daro iyo dhac loo geysanayo dadka rayidka ah.

Like it? Share it!

Leave A Response