Ciidamada Australia oo lagu helay dambiyo dagaal oo ay ka gaysteen Afghanistan!

by admin | Thursday, Nov 19, 2020 | 451 views

Australia ayaa Khamiistii sheegtay in ciidamadeeda gaarka ah looga shakisan yahay in ay mas’uul ka ahaayeen 39 dil sharci daro ah oo ka dhacay Afghanistan, maadaama ay soo saartay warbixin dheer oo la sugayay oo ku saabsan dambiyada dagaal ee la sheegay in ay ciidamadoodu ka galeen wadanka Koonfurta Aasiya.

Australia ayaa baaritaankan bilawday sanadkii 2016, iyada oo ay jiraan warbixino ka imanaya hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo warbaahinta maxaliga ah ee ku saabsan dilka la sheegay in loo gaystay rag iyo caruur aan hubeysnayn oo ay dowladu markii hore isku dayday in ay caburiso.

General Angus Campbell, oo ah madaxa ciidamada Difaaca oo si faahfaahsan uga hadashay natiijada ka soo baxday ayaa sheegay in baaritaanka lagu helay cadeymo muujinaya in xubno ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Australia ay dileen maxaabiis, beeraley ama dad kale oo rayid ah, wuxuuna u soo bandhigay raali gelin ay ka bixiyeen dadka reer Afghanistan wixii qalad ah ee dhacay.

Warbixinta “waxaa laga helay halkaas waxa ay muujinayaan macluumaad lagu kalsoonaan karo oo lagu xaqiijinayo 23 dhacdo oo la sheegay in si sharci darro ah loogu dilay 39 qof 25 ka mid ah ciidamada gaarka ah ee Australia oo ka tirsan qaybta gaarka ah ee Adeegga Cirka,” ayuu Campbell u sheegay suxufiyiinta.

“Waxyaabahaan la helay waxa ay ku andacoonayaan jebinta ugu daran ee anshax melleteri iyo qiyamka mihnadeed,” ayuu yiri, isagoo intaasi raaciyay: “Dilka sharci darrada ah, ee shacabka iyo maxaabiista waligiis lama aqbali karo.”

Qaar ka mid ah kuwa la sheegay in ay mas’uulka ka yihiin ayaa wali ka shaqeynaya militariga halka kuwa kale ay ka baxeen ciidamada qalabka sida. Baadhitaanku wuxuu ku taliyay in 23-ka dhacdo, oo ay ku lug leeyihiin 19 qof, loo gudbiyo booliska si ay u soo baaraan dambiyada laga galay shacabka Afganistaan.

Warqad la socota warbixinta baaritaanka, James Gaynor, kormeeraha guud ee Ciidanka Difaaca Australia, wuxuu ku tilmaamay nooca iyo baaxadda anshax xumada lagu eedeeyay in ay tahay “mid aad u fool xun”, isagoo xusay in ay jiraan eedeymo dheeri ah oo ku saabsan in xubnaha ka tirsan militariga Australia ay dadka ula dhaqmeen si naxariis daro ah.

Milatariga Australia waxaa ay Afganistaan la tageen ciidamo ka socda Mareykanka iyo xulafooyin kale oo halkaasi lageeyay kadib weeraradii September 11, 2001.

Sanadihii la soo dhaafay, warbixino taxane ah oo dhib badan ayaa soo ifbaxay oo ku saabsan hab dhaqanka cutubyadeeda gaarka ah – oo ay ku jiraan maxbuus la toogtay, dilka ilmo lix sano jir ah iyo guriga la weeraray.

Mareykanka ayaa sidoo kale waxaa ku socda baaritaan la xiriira dambiyo dagaal oo ka dhacay Afgaanistaan ​​kadib markii ICC ay ogolaatay baaritaan bilowgii sanadkan. Maxkamada ayaa sidoo kale eegi doonta eedeymaha loo soo jeediyay askarta Afghanistan iyo dagaalyahanada hubeysan ee Taliban.

Like it? Share it!

Leave A Response