Ciidamada Cirka oo maanta u dabaal degayo Sanadguuradii 59aad ee markii la Aas-aasay.

by admin | Thursday, Feb 14, 2019 | 797 views

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe  ayaa Hambalyo u diray Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliya oo Maalinta u dabaal degaya Sanad guuradii 59-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay.“Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa Hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xiggeenada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cirka oo maanta u dabaal degaya Sanadguurada 59Aad ee Aaskooda” ayuu yiri Gen. Indha-Qarshe

S/gaas Daahir Aadan Cilmi indha-qarshe ayaa Xusay in lagu hoolan yahay siddii Horumar loo gaarsiin lahaa Taliska Ciidanka Cirka, isaggoo xusay in Ciidankaasi Muddooyinkii Dambe ay kusoo biireen Saraakiil dhalinyaro ah oo Aqoon leh.

Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa la Aas-aasay 14 Febraayo Sanadkii 1960, Waxaana sanadkaan ay u dabaal degayaan Sanad guuradii 59-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay.

Like it? Share it!

Leave A Response