Ciidamada dowlada oo lawareegay deegaano ka tirsan gobolada baay& hiiraan.

by admin | Monday, Sep 26, 2022 | 513 views

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ee xoreynta Koonfur Galbeed oo iskaashanaya ayaa Maanta degaano katirsan gobolka Baay ka bilaabay howlgallo ka dhan ah ururka Al Shabaab, iyaga oo degaano dhowr ah la wareegay.

Ciidamada ayaa waxaa ay howlgallada kula wareegeen degaannada kala ah Saydheelow, Buula jadiid, Mataani, uusli iyo Busley oo dhamaantooda ka tirsan Gobolka Baay. Kuwaas oo ay dadka ku dhibateeyn jireen Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada.

Sidoo kale Saraakiisha ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in howgallada ay weli sii wadaan, isla markaana ay doonayaan inay la wareegaan deegaanka Labaatan jirow oo ah Saldhiga ugu weyn ee Al -Shabaab kuleeyihiin Gobolka Baay.

Dhinaca kale Ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee Macawisleyda oo is garabsanayo ayaa weli howlgallo xoogan ka wada degaano katirsan Gobolka Hiiraan, iyaga oo saakay la Wareegay degaanka Ceeymey oo dhow Magaalada Dabayoodle ee Galbeedka Degmada buulo barde.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya Gudoomiyahii hore ee Degmada buulo-barde Feysal Haajir Adan iyo Ciidamo uu wato, iyaga oo Gudaha u galay Degaanka Ceeymey oo 15 KM u jirto Degmada buulo barde dhanka Galbeedka una dhaw Degaanka Dabayoodle oo kamid ah fariisinka Al-Shabaab,

Ciidamada Dowladda iyo xoogaga degaanka ayaa sheegay in uusan wax dagaal ah egaankaas ka dhicin oo ay si Nabad ah kula Wareegeen, Isla markaana ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Like it? Share it!

Leave A Response