Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaanka Buurweyn

by admin | Sunday, Aug 25, 2019 | 586 views

Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo gaaraya Hiiraan Online deegaanka Buur-weyn oo dhaca xadka kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaas.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM kala wareegeen deegaankaas oo u ahaa mid muhiim u ah oo ay gaadiidka uga qaadi jireen canshuurta, balse ciidamada dowladda ayaa halkaa ka sameystay fariisimo cusub.

Lama oga halka ay tageen xoogagga Al-shabaab ee laga qabsaday deegaanka Buur-weyn oo ah marin muhiim u ah isku socodka gaadiidka isaga kala goosha gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response