Ciidamada Dowladda oo howlgal ka wada Shabeellaha Hoose

by admin | Tuesday, Nov 12, 2019 | 665 views

Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay Maanta howlgallo kala duwan ka wadaan deegaano katirsan Shabeellaha Hoose,halkaas oo ay ka dhaceen qaraxyo iyo dagaalo.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga wadaan deegaano ku dhow dhow deegaanka Muuri ee duleedka magaalada Marka ee Sh/Hoose,halkaas oo qaraxyo iyo dagaal toos ah lagula eegtay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka lagu arkayo deegaanka Muuri iyo deegaannada u dhow dhow,sidoo kalena halkaasi laga dareemayo dagaalkii ka dhacay.

Ilaa iyo hadda majirto dad lagu soo qabtay howlgalkaas,waxaana saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda ay sheegeen in howlgalka ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta amniga ay ka xaqiijinayaan.

Deegaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaar ka dhaco qaraxyo lala eegto Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM iyo dagaalo toos ah oo mas’uuliyadiisa ay sheegtaan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response