Ciidamada Dowladda oo saaka dhaq dhaqaaq ka wada Shabeellaha Hoose

by admin | Friday, Aug 16, 2019 | 647 views

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Tooratooroow iyo degmada Awdheegle  ee gobolkaas oo dhawaan ay Ciidamada Dowladda la wareegeen.

Saraakiisha Ciidamadaas hoggaamineysa ayaa shalay waxa ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana dad ku sugan deegaanka tooratoorow ay sheegeen in saakay ciidamadu ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan,

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka fulinayaan deegaanka tooratooroow iyo tuulooyinka ku dhow dhow si ay ciidamada ula wareegaan.

Dhinaca kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ayaa saakay waxaa ay howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan duleedka degmada Awdheegle oo maalin ka hor Al-Shabaab ay kusoo qaadeen weerar qaraxyo ku bilaawday.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in badi dadka ku nool degmada Awdheegle ay bilaabeen inay halkaasi isaga barakacaan, iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda ay ku wada dagaalamaan Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response