Ciidamada Dowladda oo Saakay Dhaqdhaaq Ciidan kawada Degaano ka tirsan Sh/Dhexe

by admin | Sunday, Aug 19, 2018 | 1070 views

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dhaqdhaaq Ciidan  waxay  ay kawadaan Degaano hoosta taga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay wataan Gadiid Dagaal oo aad u fara badan,waxaana la soo warinaya in ay baaritaano ka sameynayaan Tuulooyinka ku yaalla Duleedka Degmada ee Gobolka Shabeellaha Dhexe
Goob jogayaal ka mid ah Dadka Degaanka ayaa inoo sheegay in Ciidamada ay Baarayaan Guryo qaar oo ku yaalla Tuulooyinkas,kuwaasi oo ay ka cabsi qabaan in ku dhumaaleysanayaan Dagaallamayaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab.
Sikastaba ha ahaate Dhawaan ayey aheyd markii Kooxda Al-shabaab ay la waregeen Degaanka Basra oo ay horay ugu sugnayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya laakin ay ka baxeen,waxaana Degaanka Basra markii ay la waregeen Al-shabaab Duqeymo Xooggan oo Khasaaro geystay ka fuliyay Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa Cadaan ee Mareykanka.

Like it? Share it!

Leave A Response