Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Puntland oo dilay Haweeneey

by admin | Tuesday, Sep 28, 2021 | 244 views

Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Garoowe waxaa ay ku dileen Haweeneey la sheegay inay aheyd Shacab.

Dilka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada ay rasaas ku fureen Gaari ay saarneyd Haweeneyda oo soo dhex-galay Kolonyo gelbineysay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Haweeneyda ay dileen Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa Magaceeda lagu sheegay Maryan Axmed Caato.

laamaha Ammaanka Magaalada Garoowe iyo kuwa Madaxtooyada Pntland ayaan weli ka adlin falkaas dilka ah ee loo geystay Haweeneeyda.

Like it? Share it!

Leave A Response