Ciidamada Kenya oo baneeyay deegaan Muhiim ah iyo Al Shabaab oo la wareegay

by admin | Tuesday, Mar 19, 2019 | 905 views

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay isaga baxeen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo.

Kadib bixitaankooda waxaa deegaankaasi iyo saldhiga ay ku lahaayeen la wareegay ciidamo katirsan Al Shabaab, waxaana ciidamada Al Shabaab ay fariisin ka dhigteen deegaanka.

Xalay fiidkii iyo waaberigii saaka ayay ciidamada Kenya wadeen dhaqdhaqaaqa ay kaga baxayaan saldhigooda deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo, waxaana ugu dambeyn saaka ay isaga baxeen deegaankaasi.

Ciidamada dowladda Kenya ayaa waday maalmihii ugu dambeeyay qorshe ay kaga baxayaan saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada gobolka Gedo, iyadoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn ujeedada ka dambeysa.

Deegaano dhowr ah oo Gedo ka tirsan sida Faxfaxdhuun ayay ciidamada Kenya isaga baxeen, waxaana kadib la wareegay ciidamada AL Shabaab, iyadoo taasi loo farisan karo dib usoo nooleynta Al Shabaab.

Qorshaha ka bixidda Saldhigyada Ciidamada AMISOM ayaa waxaa uu qeyb ka yahay qorshaha isbeddelka Istiraatiijiyadeed ee ay AMISOM ku wajaheyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, sida saraakiil ciidan laga soo xigtay.

Like it? Share it!

Leave A Response