Ciidamada Kenya oo xiray Nin loo heysto afduubka Gabar Soomaali ah

by admin | Sunday, Jun 20, 2021 | 253 views

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu dambeyn la helay mid ka mid ah gabdhihii la sheegay in lagu afduubtay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Xafsa Maxamad Luqmaan oo ganacsato ahayd isla markaana toddobaadkan dhexdiisa la waayay, isla markaana baraha bulshada la iskula wadaagayay sawirradeeda oo dhaawacyo wejiga ah ay ka muuqdaan ayaa la hela.

Waaxda dembi baarista Kenya ayaa sheegay in Xafsa oo 23 jir ah laga helay guri ku yaalla aagga loo yaqaano  Matopeni ee xaafadda Kayole ee ismaamulka Nairobi, sidoo kalena  afduubkaas loo haayo hal eedeysane.

Weli waxaa jira Gabdho kale oo afduub ahaan loo heysto oo maqan, kuwaas oo  ehelladooda iyo laamaha Amniga dalkaasi Kenya ay baadi goobayaan si dadka heysta looga soo badbaadiyo.

Like it? Share it!

Leave A Response