Ciidamada Puntland oo fuliyey howlgal miino-baaris ah

by admin | Friday, Oct 11, 2019 | 610 views

Ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF ayaa waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaano ku dhow buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Howlgalkan ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid lagu baarayay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen wadada u dhaxeeysa deegaannadaa Balikhadar iyo Galgala.

Sarkaal u hadlay Ciidamada PSF ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku guuleysteen inay soo saaraan miinooyin dhowr ah oo Al-Shabaab ay doonayeen inay dadka Shacabka ah ku dhibaateeyaan sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in howlgalka ay weli ka wadaan deegaannada ku teedsan Buuraha Galgala ee Gobolka Bari,halkaas oo meel aan ka fogeen ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish.

Saraakiishu ma sheegin in howlgalkaas ay ku qabteen wax dad ah marka laga reebo miinooyin lagu aasay wadada u dhaxeysa deegaannada Balikhadar iyo Galgala..

Ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka Bari ayaa dhowr jeer  qaraxyo kala duwan lala eegtay,kuwaas oo mas’uuliyadooda ay sheegteen Ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response