Ciidamada Sudan oo weerar culus ku qaaday Ethiopia iyo deegaano ay qabsadeen

by admin | Wednesday, Jun 29, 2022 | 347 views

Ciidamada Sudan ayaa weerar culus ku qaaday ciidamada Ethiopia ee ku sugan xuduudda, xilli ay xiisad xooggan ka dhex-qaraxday labada dal. 

Weerarka ayaa yimid kadib markii la dilay toddoba askari oo reer Sudan ah oo ay qabteen ciidamada Ethiopia 22-kii June, islamarkaana meydadkooda lasoo dhigay waddooyinka ayada oo sawirradooda la wareejinayey baraha bulshada. 

Ethiopia ayaa Isniintii beenisay eedeymaha Sudan ee ah inay qabteen islamarkaana dileen toddoba askari oo Sudanese ah iyo dad shacab ah, waxayna dilka ku eedeysay maleeshiyo deegaanka ku sugan. 

Taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan ayaa horey u ballan-qaaday inay ka aargudan doonaan weerarka Al-Fashaga. 

Ciidamada Sudan ayaa gantaallo culus ku garaacay xuduudda, balse lama soo werin wax khasaare ah, sida uu sheegay Assefa Ashege, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka gobolka Amhara ee Ethiopia.

Waxay awood u yeesheen inay qabsadaan deegaanada Jabal Kala al-Laban, Barkhat, Tesfai Adawi iyo al-Fashaga, sida uu sheegay sarkaal Sudanese ah. Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay qabteen dhowr askari oo Ethiopian ah. 

Laba ilo-wareed oo ku sugan deegaanka ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ciidamada Sudan ay la wareegeen maamulka deegaanka Jabal Kala al-Laban, islamarkaana ay burburiyeen saldhig militari oo halkaas ku yaalla. Ma cadda haddii saldhigga ay leeyihiin ciidamada Ethiopia ama maleeshiyo.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Sudan ayaa sheegay inay cabasho rasmi ah u gudbisay Golaha Ammaanka QM oo ku saabsan dilkan.  

Muranka ka taagan deegaanka al-Fashqa, oo ka tirsan xuduudadaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee Sudan balse ay degan yihiin beeraley Ethiopian ah, ayaa xoogeystay sanadihii tegay, xilli labada dal ay u dhaxeyso xiisad kale oo ka taagan biyo xireenka ay Ethiopia ka sameyneyso webiga Nile. 

Like it? Share it!

Leave A Response