Ciidamo gadoodsan oo la wareegay kastamka canshuuraha magaalada galkacyo.

by admin | Tuesday, Sep 27, 2022 | 338 views

Ciidamo katirsan kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug, isla markaana gadoodsan ayaa waxaa ay la wareegeen Kastamka Canshuuraha magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug, halkaas oo Gaadiidka lacag looga qadi jiray.

Ciidamadan oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ayaa waxaa ay sheegeen inay cabasho ka yihiin xaquuq kaga maqan Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor).

Ciidmadan ayaa horay sidaan oo kale u xirtay waddooyinka soo gala magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, hayeeshee markii dambe ay u fureen Maamulka Gobolka Mudug oo u ballan qaaday in xaquuqda ka maqan uu uga keenayo Madaxweynaha Galmudug.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada gadoodsan ayaa waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha Galmudug uu uga baxay ballan ay horay ula galeen, waxaana xalay ilaa saaka ku xayiran Gaadiid farabadan Kastamka Canshuuraha Magaalada Gaalkacyo

Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug ayaan weli ka hadlin xeritaanka Kastamka Canshuuraha magaalada Gaalkacyo ee Ciidamada Daraawiista Galmudug, iyada oo ay socdaan wada-hadallo xal looga gaarayo.

Like it? Share it!

Leave A Response