Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Xarumo ku yaalla Baladweyne{sawiro}

by admin | Wednesday, Oct 9, 2019 | 680 views

Wararka laga helayo Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow Ciidamo ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle oo gadoodsan ay xirteen wadooyin ku yaalla Magaaladaas.

Ciidamada ayaa wararka aan heleyno ay sheegayaan inay ka cabanayaan mushaar la’aan,isla markaana mudo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah,taasina ay keentay inay Maanta gadoodaan.,

Wariyeyaal ku sugan Baladweyne ayaa waxaa ay soo sheegayaan in Ciidamada gadoodsan ay xirteen Wadada hormarto isbitaalka Baladweyne & tan kasoo baxada garoon diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magalada Baladweyne.

Ciidamada wadooyinka qaar waxaa ay ku xireen dhagxaan iyo Geedo si gaadiidka uusan u marin,waxaana lagu soo waramayaa inay taasi sababtay in uu hakad galo Gaadiidka qaar ee Magalada Baladweyne.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle eek u sugan Magalada Baladweyne kama hadlin gadoodkaan ay sameeyeen Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle eek u sugan Baladweyne,waxaana la filayaa in ay saacadaha soo socda gaaraan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska si Ciidamadaas loo xaliyo.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response