Ciidamo howlgallo Miino baaris ah ka sameeyay degaan ka tirsan Gobolka Mudug

by admin | Monday, Jul 19, 2021 | 397 views

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 6-aad ee Guutada 16 Aad  ayaa hawlgallo kala duwan waxaa ay ka wadaan deegaano u dhow Deegaanka Camaara Ee Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa shalay gelinkii hore waxaa ay dagaal kula wareegeen degaanka Camaara, halkaas oo ay muddo ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kadib markii ay Ciidamada weerareen degaanka.

Taliyaha Ururka 6-aad ee Danab Dhame Abdi Ladiif Ahmed Feefle oo hoggaaminaayo Ciidamada Hawlgalada ka wada aagga Camaara ayaa sheegay in ujeedka howlgalkooda uu yahay sidii loo sugi lahaa ammaanka degaanka iyo degaannada u dhow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka intiisa badan uu yahay mid ay ku baarayaan miinooyin ay Al-Shabaab ku Aaseen wadooyinka soo gala degaanka Camaara si ay Bulshada ugu dhibataayeen, isla markaana howlgalkooda ay sii wadi doonaan.

Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday howlgallo kala duwan, iyada oo ay Ciidamada dowladda howlgallada kula wareegeen degannada Camaara iyo Bacaadweyn ee Gobolka Mudug

Like it? Share it!

Leave A Response