Ciidamo ka Baxay Baladweyne Oo Gaaray degmada Matabaan.

by admin | Sunday, Oct 17, 2021 | 416 views

Ciidamo ka tirsan Milatiriga Soomaaliya oo ka baxay Magaalada Baladweyne ayaa goordhow gaaray degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan halkaasi oo ay kusoo dhaweeyen Maamulka degmada iyo odoyaasha dhaqanka iyo dhalinyaro.

Ciidamada waxaa hogaaminayey Taliyaha Guutada 5aad ee Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan  Korneel Maxamuud xasan Ibraahin waxaana qeeyb ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Degmada Matabaan Ducaalle Aadan Cabdi.

Maamulka degmada Matabaan ayey Saraakiisha Ciidamada hogaaminayey kulan gaar ah kula leeyahiin degmada matabaan iyagaana kala hadlaya xaaladahii ugu danbeeyey ee dhinaca Amaanka degmada iyo deegaanada kale ee hoos yimaado.

Ilaa iyo Hada lama oga ujeedka Rasmiga ah ee socdaalka Ciidamada Xooga dalka soomaaliya ee goordhow gaaray degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan kuwaas oo ka baxay degmada Baladweyne saakay.

Ciidamada Manta gaaray degmada matabaan ayaa kusoo aadayo iyadoo ay socdaan Guluf Colaadeed oo lagu qaaday Ciidamada Ahlu-suna ee dhowr todobaad ka hor la wareegay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Ciidamada Dowlada ayaa hareereyey degmada Guriceel si ay ugu saran Ahlu-sunada la wareegtay Magaaladaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response