Ciidamo ka qeyb qaatey dagaal beeleedyo oo Xabsiga la dhigey

by admin | Tuesday, Mar 24, 2020 | 649 views

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka qeybta 60aad ee ka howlgalla deegaannada Koonfur Galbeed Janeraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay inay wax ka qabteen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ka qeyb qaadan jirey dagaal beeleedyada.

Waxaa uu sheegay in inta aan xilka Taliyaha qeybta 60aad loo dhiibin ay jireen Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo iyaga oo wata hubka Dowladda ka qeyb qadan jirey dagaal beeleedyada,hayeeshe arrintaasi la xakameeyey oo la sameeyey wacyi gelin dhinaca Ciidanka ah.

Taliyaha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay jireen Ciidamo ka dhega adeegay Amaro kasoo baxey saraakiisha Sar sare ee Ciidamada iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida,kuwaas oo ka qeyb qaadanayay dagaalka Beelaha,hayeeshee ay Xabsiga dhigeen.

Hadalka Taliyaha Ciidamada qeybta 60aad ee xoogga dalka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mararka qaar Ciidamada Dowladda ay si toos ah uga qeyb qaataan dagaal beeleedyada ka dhaca meelo kamid ah dalka,iyaga oo wata hubka dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response