Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula eegtay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

by admin | Thursday, Nov 19, 2020 | 356 views

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax miino lagula eegtay kolanyo ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Dowladda Itoobiya ee sugan Soomaaliya.

Qaraxa waxaa ka dambeeyay Iska hor’imaad xooggan oo barqadii maanta ka dhacay duleedka degmada Qansaxdheere sida dadka deegaanka ku soo waramayaan.

Qaraxa miino oo lala beegsaday ciidamada Itoobiya waxaa sheegtay xoogga hubaysan ee Al Shabaab oo intaasi ku daray in ay gubeen gaari Uuraal ah oo ay la socdeen ciidamada Itoobiyaan ah.

Al Shabaab ayaa intaasi ku daray in weerarkaasi lagu dilay 2 askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM.

Marka laga soo tago sheegashada Al Shabaab Laamaha amaanka Koofur Galbeed iyo Midowga Afrika midkoodna kama hadlin weerarkaas iyo hadii ay khasaare ka dhashay weerarkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response