Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku dagaallamay Muqdisho

by admin | Wednesday, Nov 20, 2019 | 614 views

Sidda ay  u xaqiijiyeen warbaahinta  goobjoogayaal Ciidamo ka Tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ku dagaalamay EX kontarool Afgooye ee Muqdisho, gaar ahaan meel aan ka Fogeyn Xarunta Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Rasaas culus ayaa ka socoto agagaarka taliska Ciidanka Asluubta, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in Ciidamo ka wada tirsan dowladda ay dagaallamayaan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalku u dhaxeeyo ciidamo ilaala ka hayay Xarunta Taliska Asluubta iyo sidoo kale ciidamo ka Tirsan kuwa Amaanka ee dowladda soomaaliya.

Isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee Ex Kontorool ayaa hakad galay.

Like it? Share it!

Leave A Response