Ciidamo ka tirsan Puntland oo ku dagaalamay Boosaaso

by admin | Thursday, Sep 27, 2018 | 900 views

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa iska hor imaad ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo ciidamada ilaalada xabsiga magaalada Boosaaso, kaasi oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Boosaaso.

Iska hor imaadkan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay kadib markii ciidamadda Ilaaladda Xabsiga oo ka cabanaya mushahar la’aan mudo dhawr bilood ah ay xoog ku qabsadeen dhismaha xabsiga oo ay diideen in gudaha ay u galaan mas’uuliyiin Puntland ka tirsan.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku geeriootay laba qof oo shacab ah, sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray laba askari oo ka mid ah dhinacyada dagaalamay.

Rasaas aad xooggan oo Labada dhinac iswaydaarsanayeen ayaa laga maqlayey inta badan magaaladda, sida ay sheegayaan dadka deegaanka, wararku waxay intaa ku darayaan in dhawaqa rasaastu uu si is daba joog ah u socoday mudo nusa saac ka badan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in hada xaaladu ay tahay mid degan, islamarkaana saraakiisha ammaanka ay wadaan baaris la xiriirta iska hor imaadkan.

Like it? Share it!

Leave A Response