Ciidamo Soomaali & Ajnabi isugu jira oo howlgal ka fuliyay Gobolka Baay

by admin | Thursday, Jan 14, 2021 | 467 views

Howlgal military oo wadajir u fuliyeen Taliska Ciidanka Mareekanka ee Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa laga sameeyay degaanka Buulafuulaay degmadda Diinsoor ee gobolka Baay.
Howlgalka o ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen inay ku burburiyeen Xarun ay Al-Shabaab ku sugnaayeen, isla markaana ay kasoo abaabuli jireen weerarada.

War kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay mid kamid ah Saraakiisha Sar sare ee Al-Shabaab, balse aan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka Shacabka ah.
Horay Ciidamada dowladda oo garab ka helaya ciidamo Mareykan ah ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan uga sameeyeen degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka, iyaga oo sheega inay dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Mareykanka ayaa inta badan duqeymo ka fuliya degaano ku yaal Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, in kastoo ay aad u yaraadeen markii la galay sanadkaan 2021.

Like it? Share it!

Leave A Response