Ciidan Boolis ah oo baaritaan ka wada Muqdisho

by admin | Thursday, Sep 13, 2018 | 955 views

Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu arkayaa Ciidamo Boolis ah oo baaraya Gaadiidka kala duwan ee adeegsanaya Waddooyinka Magaalada.

Ciidamadan ayaa lagu arkayaa inta badan Isgooysyada muhiimka ah iyo sidoo kale jidadka qaar ee Magaalada,waxaana ay baaritaan gaar ah ku sameynayaan Gaadiidka kala duwan.

Booliska lagu daadiyay Isgoysyada Muqdisho ayaa si gaar ah baaritaan ugu sameynaya Gaadiidka raaxada ee ay wataan shaqsiyaadka inkasta oo Gawaarida Dadweynaha iyo Bajaajyaduba la baarayo haddana waxaa ay xoogga saarayaan Gaadiidka yaryar.

Magaalada Muqdisho labadii Todobaad ee ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan iyo Qaraxyo laga fuliyay Xarumaha Degmyooinka Howlwadaag iyo Hodon.

Ciidanka Booliska ee lagu daadiyay waddooyinka Muqdisho ayaa la sheegayaa in ay wax ka qabanayaan amni xumada ku soo korodhay Magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response