Ciidan Talyaani ah oo lagu qarxiyay Muqdisho

by admin | Monday, Oct 1, 2018 | 889 views

Waxaa faah faahin laga helayaa Qarax ka dhacay Agagaarka Aargada Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidamo Talyaani ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashandhigga lagu qarxiyay agagaarka Aargada Degmadaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in Gaari Noah ah lagu dhuftay mid ka mid ah Gawaarida Kolonyada Talyaaniga ah,halkaas oo uu ku rugmaday.

Ciidamada Talyaaniga ee kolonyada ah iyo kuwo Soomaali ah ayaa isku gedaamay goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Sarkaal ka mid ah Maamulka Degmada Dayniile ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in Khasaaraha goobta ka dhashay uu ku koobanyahay Ciidamada Talyaaniga.

Sarkaalkaas ayaa ka gaabsaday khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka ismiidaaminta ah ee ka dhacay degmada Dayniile.

Like it? Share it!

Leave A Response