Ciidanka ammaanka oo saakay xiray wadooyinka qaar ee Muqdisho

by admin | Monday, Aug 27, 2018 | 1246 views

Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin Isgoysyada Magaalada gudaheeda qaarkood.

Isgoyska Jubba, Daljirka, wadada 21-ka October, Ceelgaabta, iyo kuwa kale ayaa xiran, ciidanka dowladda ayaana ku sugan, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan Isgoysyadan inay maraan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada wadooyinkan xiray ayaa waxa ay yihiin ciidan wata dareeskii lagu yaqaanay ciidanka Xasilinta oo horey magaalada looga xareeyay, shacabka qaar ayaa is weydiinaya iyada oo magaalada Boolis lagu wareejiyay in hadana ciidankan lagu soo celiyo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in Taliyeyaashooda ay ku waregliyeen inay xiraan wadooyinka, balse iyagu aanay si rasmi ah u ogeyn sababta wadooyinka loo xiray.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in xaalad amni darteed wadooyinkan loo xiray meelaha qaarna ay ka socdaan baaritaan bartilmaameed ah.

Tani ayaa ah dhibaato ay la kulmaan dadka ku nool magaalada Muqdisho, balse ma jirto cid wax iska waydiisa raali gelinta bulshada ee ku aadan wadooyinka ay maraan.

Like it? Share it!

Leave A Response