Ciidanka dowladda oo howlgal ka sameeyay degaano falal Amni darro ka dhaceen

by admin | Sunday, Jan 17, 2021 | 329 views

Ammaanka Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa si aad ah loo Adkeeyay , iyada oo Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay howlgalo ka sameeyeen degaano hoostago Degmada Matabaan, halkaas oo la sheegay in falal Amni darro ka dhaceen.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa tegay degaano hoostaga degmada Matabaan, halkaas oo dhawaan ay tageen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, sidoo kalena mararka qaar ay ka dhacaan Colaad Beeleedyo iyo dilal aanooyin qabiil ah.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay Guryaha qaar baaritaano ku sameynayeen, halka mararka qaar dhulka miyiga ah ee hoostaga degmada Matabaan ay howlgalka ka sameeynayeen.
Saraakiisha Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Hiiraan faah faahin kama bixin howlgalka iyo waxa lagu soo qabtay, hayeeshee ilo Madax bannaan ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in Ciidamada ay howlgalka ku qabteen dad farabadan oo u badan Dhalinyaro looga shakiyay inay la Shaqeeyaan Al-Shabaab.
Howlka ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka sameeyeen degmada Matabaan iyo degaannada hoostaga ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Warar soo baxayay ay sheegayeen in Taliyaha Booliska Soomaaliya uu Shaqa joojin ku sameeyay Taliyaha Booliska Matabaan, Kadib markii degmada ay kusoo dhawaadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab isla markaana Ciidamada Booliska ay degmada isaga baxeen.

Like it? Share it!

Leave A Response