Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo howlgal qorsheysan fuliyey

by admin | Tuesday, Apr 7, 2020 | 466 views

Ciidamada Dowladda gaar ahaan Ururka 41aad ee Guutada 5aad 27aad ayaa Howgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka s ameeyeen deegaano hoos yimaada dagmada buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.
War kasoo baxey Taliska qeyta 27aad ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada ay howlgalkooda ku tageen d eegaanka Afcad,isla markaana ay bur buriyeen fariisimo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 41aad Dhame Cabduqaadir Cali Nuur Oo Hogaaminayay howlgalka ayaa Warbaahinta u sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii Al-Shabaab looga saari lahaa Deegaano hoos yimado Buulo-burte oo ay ku sugan yihiin.
Dhawan ayey aheed markii sidaan oo kale Ciidanka dowladda ka fuliyeen howlgallo deegaano hoostaga Buulo-Burde,isla markaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ay sheegeen inay dileen Saraaakiil ka tirsan Al-Shabaab

Like it? Share it!

Leave A Response