Ciidanka dowladda Soomaaliya oo howlgal sameeyay

by admin | Sunday, Jul 25, 2021 | 280 views

Ciidanka Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Howlgal ka wada inta u dhaxayso Degmada Beledweyne ilaa degmada Matabaan iyo dhulka miyiga ah ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha howlgalka hoggaamoneysa ayaa sheegay in Ujeedka howlgalkaan uu yahay kadib markii ay ka warheleen in Xubno Shabaab ah oo ka yimid dhimaca degaannada Galmudug ay soo gareen Gobolka Hiiraan kana hortagayaan.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in u qorshaha yahay sidii dhulka u dhaxeeya Matabaan ilaa Maxaas looga saari lahaa Al-shabaab oo dhowr jeer weeraro kala duwan ka geysta.

Degaano hoostaga Magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa Ciidanka dowladda gaar ahaan qeybta 27aad ay dhowr jeer howlgallo ka fuliyeen, iyaga oo la wareegay degaano dhowr ah oo ay ku sunaayeen Al-Shabaab

Like it? Share it!

Leave A Response