Ciidanka Itoobiya oo isaga baxay Dhuusamareeb

by admin | Sunday, Apr 8, 2018 | 943 views

Wararka ka imanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Dalka Itoobiya ee ku sugnaa Magaaladaas ay isaga baxeen.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa aaday dhinaca Dalka Itoobiya iyada oo aan la ogeyn sababta ay magaaladaas uga baxeen.
Ciidanka Itoobiya waxaa ay muddo dhowr Sano ah degganaayeen Dhuusamareeb iyaga oo taageeri jiray Maamulkii Ahlu Sunna ee hadda la midoobay Maamulka Galmudug.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa dhawaan u guuray Maamulka Galmudug ee ku shaqeynayay Magaalada Cadaado,waxaana hadda Dhuusamareeb oo markii horeba ahayd Caasimadda Galmudug si sax ah ugu shaqeeya Maamulka Galmudug.

Baarlamaannada, Ciidamada iyo dhinacyada kale ee Maamulkii Ahlu Sunna iyo maamulka Galmudug ayaa la isku daray iyada oo madaxweynihii maamulka Ahlu sunna laga dhigay madaxa xukuumadda Galmudug.
Ciidamada Itoobiya ayaa dhowr jeer sidan oo kale isaga baxay Dhuusamareeb hayeeshee waxaa ay ahaayeen kuwo beddel lagu sameynayay oo kuwo cusub lagu beddelayay haddase lama hubo in ay beddel aadeen iyo in kale.

Like it? Share it!

Leave A Response