Ciidanka liyuu Boolis oo dil ka geystey Xadka Somalia & Itoobiya & xiisad taagan

by admin | Wednesday, Mar 25, 2020 | 564 views

Ciidamo ka tirsan kuwa Liyuu-Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya kana soo gudbay Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa deegaanno u dhaxeeya xadka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo Itoobiya ku dilay 1-qof oo Shacab ah.

Qofka Shacabka ah ee la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Beeraleey,isla markaana xilliga la dilayay ku howllanaa tacbashada Beertiisa oo kutaala deegaanka Xuday-Woogle oo qiyaastii 35-dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Beledweyne.

Goobjoogayaal ayaa waaxa ay sheegeen in Qofka Shacabka ah ee ciidanka liyuu Boolis ay dileen lagu Magacaabi jirey Shiiq doon Cilmi Ciyoow.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dilkaasi,kadib uu dagaal tos ah dhex-marey dadka deegaanka iyo Ciidamada Liyuu-Boolis,waxaana ugu dambeyn ay Liyuu-Booliska dib ugu laabteen fariisimihii markii hore ay kasoo tageen.

Dadka kunool Deeganno dhaca Xuduudka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya ayaa Toddobaadyadii dambe cabasho xooggan ka muujiyay dhibaatooyin ay kala kulmeen.

Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Dowladda Soomaaliya ayaana inta badan ka hadlin dhibaatooyinka la sheegay in ciidanka liyuu Boolis ay ka geystaan Xadka dhinaca Gobolka Hiiraan,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in xiisad maanta ay ka taagan tahay deegaanka uu dilka ka dhacay.

Like it? Share it!

Leave A Response