Ciidanka NISA oo Muqdisho ku toogtay qof shacab ahaa

by admin | Wednesday, Jul 18, 2018 | 1285 views

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir gaar ahaan Waaxda Wajeer, Ciidanka loo yaqaano Alpha Group ayaa  waxa ay halkaasi ku dileen qof shacab ahaa.

Goobjoogayaal Yay  u sheegay warbaahinta  toogashadan inay ka dambeysay kadib markii gaari iska roge ahaa uu dhexda u galay kolonyo ciidankan Alpha Group ah, intaasi kadib ciidanka ayaa shakiyay, waxayna rasaas ku fureen gaariga, halkaasi waxaa ku geeriyooday qof shacab ahaa, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Ciidanka Alpha Group ee qeybta ka ah NISA ayaa intaasi kadib hakiyay socodkoodii, waxayna halkaasi ka qaadeen qofkii dhaawaca ahaa, iyaga oo geeyay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho.

“Walaal falkan wuxuu ka dhacay Wajeer oo ka tirsan degmada Kaaraan, ciidamada Alpha Group ayaa rasaas ku furay gaari Caragediye ah oo wadada marayay, waxay dileen Hal qof, mid kalena way dhaawaceen, goobta ciidamo ayaa yimid.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa marar badan sidan oo kale waxay dilal u geysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, inta badan ma dhacdo in gacanta lagu soo dhigo ciidanka tacadiyada geysta.

Like it? Share it!

Leave A Response